
Wasiirka Xafiiska Waxbarashada ee DDS Mudane Maxamed Sheekh Aadan ayaa xadhiga ka jaray ballaadhin lagu sameeyay kulliyada Tababarada Macalimiinta ee Qabridahar. Dhismahan cusub ayaa loogu talogalay jiif ardayda dumarka gaar u ah oo ka kooban 32 qol, wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaana Kormeer iyo dhirbeeris ka sameeyay kulliyada waxayna sidoo kale kulan xog waraysi ah la yeeshay ardayda waxka barta kulliyadaasi.